Choose the page language

Sheekadaan waxay ka hadlaysaa safarka guusha ee Casha, wadada ay ku gaartay waxbarashada qeybaha sare ee jaamacada iyo sida ay waxbarashadu uga caawisay inay hesho shaqo fiican ayna unoolaato si fiican.  Asha waxay ka soo shaqaysay qeybo kala  duwan oo ka mid dawlad goboleedka Victoria xafiisayadeeda, halkaasoo ay ka kasbatay khibrado cusub, sidoo kale ka heshay xiriir bulshadeed oo la yeelatay mujtamada ay lashaqaysay ama wax labaratay.

About the storyteller

Ayadoo kamid ah dadka baahiya gaarka ah qaba, Asho waxay ka waramaysaa safarkeedi guusha iyo sida waxbarashada  uga caawisay inay  ka gudubto caqabadaha nolosha  anyna noqoto  hogaamiye hami leh oo maamula mashruuc ka mid ah mashaariicda wasaarada ay ka shaqayso. Asha waxay  la shaqaysaa   dowlad  gobaleedka Victotira , sidoo kale waxay  ka diyaarisaa shahaada Master degree jaamacada RMIT University.

 

Transcript Available

Abdikadir: Kusoo dhawaada barnaamijka ku hadal luuqadayda kaasoo dadka ka kala yimid bulshooyinka dhaqamada kala duwan ay uga hadlaan sidii loola noolaan lahaa baahiyaha gaarka ah si fiican, magacayga waa Cabdi waxaan la shaqeeya hay'adda ECCV Victoria. Wareysyada aan qaadno, waxaan wax ka baranaa dadka baahiyaha gaarka ah la nool, oo ka kala yimid dhaqamada bulshooyinka kala duwan. Sida ay u isticmaalaan khibradooda shaqsiga ah iyo midda bulshada si ay ula noolaadaan baahiyahaas meel kasta oo ay joogaan. Waxaan soo bandhignaa sheekooyinka xaqiiqda ah, farsamooyinka, fikradaha, ay nala wadaagaan dadka baahiyaha gaarka qabo, iyo bulshada kale. Kuwaasoo nooga sheekeynayo sidii lagu gaari lahaa, meelaha laga helo fursadaha shaqo, waxbarasho, isdhexgalka bulshada iyo wixii la mid ah. Maanta waxaa marti inoo ah Aisha, oo inooga sheekeyn doonta, sheekadeeda ku saabsan safarkeeda guusha. Soo dhawoow Aisha, waad ku mahadsan tahay inaad halkaan nala joogto. 
Aisha: Haa walaal waa dhawahay. 
Abdikadir: Su'aasha Koobaad. Maadaama aad wax badan ku qabsatay muddo kooban, manoo sheegi kartaa sida uu ku bilowday safarkaagii guusha?
Aisha: Walaal, waad mahadsan tahay, waxa ii suurto geliyay inaan wax badan qabsado oo aan heerkan gaaro Ilaahay ka sokow iyo caawinta waalidkay waxbarashada. Waligay waxaan ahaa qof waxbarashada jecel ilaa markaan yaraa aad baan waxbarashada u jeclaa. Luqada Soomaaliga waxaan bartay anoo yar, oo shan ilaa lix sano jira ayaa la i baray. Ka bacdina Waxaan bilaabay inaan bugaagta akhriyo, gaar ahaan buugaagta suugaanta ah. Waxaan aad u jeclaa markaan yaraa inaan Wariye noqdo, ama Abukaate aan noqdo, Looyar waxa loo yaqaano. markaan weynaaday labadiiba waan iska daayay, sababo jira awgood. Runtii, markii la weynaado waa la is badalayaa, laakiin waxaan dib ugu noqday oo hada aan waxbarashadiisii ku guda jiraa Abukaatanimada ama Looyarnimada. 
Abdikadir: ma noo sheegi kartaa waddada aada ku gaartay qeybaha sare ee waxbarashada?
Aisha: Walaal, waxaan ka bilaabay anigu markaan yaraa ma helin waxbarashada asaasiga ah, oo maadaama dagaaladii iyo wadankii wixii ka dhacay, dugsi hoose iyo dugsi sare midna ma helin waxbarashadoodii. Markaa markaan Australia imid waxaan ka bilaabay, luuqada Ingiriiska kow waa ka bilaabay iyo ABC, waxaan qaatay certifikateyo hoos-hoose, waxaan uga gudbay certifikayt 3, oo akaadhemik ahaa, muddo kooban ka bacdina waxaan u gudbay certifikayt, liberal art la yiraahdo oo waagaas jiri jiray, maxaan ku dhahaayeey, markaan certifikaytkaa dhameeyayna, waxaa suurtagal ii ahayd inaan jaamacad aado. Laakiin si aan aqoontayda u kororsado, siiba luuqadda Ingiriiska, waxaan doortay inaan sameeyo diblooma, oo aan ka sameeyo koleej, la odhan jiray Centre for Adult Education Melbourne, oo aan u maleynayo ilaa hadda in Falembe Street uu ku yaalo, maadaama markaa aan dibloomadaas qaataynawaxaan ku guuleystay inaan jaamacada helo, oo sertifikatyadaas kala duwan, oo aan qaatay, ayaa ii suuragaliyay, inaan jaamacada helo, jaamacaddii markaas dareenkayga ahayd, in la iga aqbalo. 
Abdikadir: Sidee ayaad dareentay maalintii kuugu horeysay, ee fasalka jaamacada aad xaadirto, ma faraxsaneyd mise cabsi ayaa dareemeysay?
Aisha: Runtii aad baan u faraxsanaa, waayo, maadaama aan marwalba waxbarashada jeclaa, aad waxaan ugu faraxsanaa inaan, goolkaygii aadka u dheeraa oo ah inaan jaamacad galo, maxaan ku dhahaayeey ayaan ku guuleystay markaa waxaan xaadiray oo aan tagay orientation week, wiiga la yidhaahdo oo ka horeeya wiiga waxbarashada jaamacada, si aan u soo helo macluumaadka aan u baahnaa iyo, dadka baahiyaha gaarka qabo sida loo caawiyo, iyo macallimiintii aan la kulmo, fasaladii iyo tiyaataradii aan wax ku baran lahaa, iyo libreerigii, si aan usoo kala arko markaa waxay ii ahayd wakhti aad muhiim iigu ah noloshayda. 
Abdikadir: Mala kulantay wax caqabad ah ama dhibaato ah, marka aad gaadiidka dadweynaha raacayso si aad u gaarto goobaha waxbarashada?
Aisha: Runtii bilowgii, caqabado badan waa la kulmay oo kala duwan, maadaama, qof laba birood ku socoto aan ahaa, maxaan ku dhahaahayeey, meelaha isteeshinada basaska laga raaco iyo taraamyada lambaradooda iyo, maxaan ku dhahaayeey, baskii oo iga tagaya marar badan oo aanan ka gaaraynin, maadaama aanan ordi karin, caqabadahaas oo dhan waa la kulmay, laakiin, maxaan ku dhahaayeey, waan la qabsaday markii dambe, ilaa hadda waxaan isticmaalaa public transport ama gaadiidka dadwaynaha, oo markii horena aan jaamacadaha ku aadi jiray, iyo kollejyadii ka horeeyeyba, ilaa hadana aan shaqada ku aadaa. markaa, Alhamdulilaah, wixii aan lasoo marayba hada waxa weeya waan la qabsaday. 
Abdikadir: Marka aad timaado goobaha waxbarshada, sida jaamacadda, ama koleejka, ma u baahnayd wax hagaajin ama qaabeyn ah, waxay dhahaan adjustment, sidaa matalan lifti la raaco, kursi macnaha fadhigiisu munaasib kuu yahay, haddii ay jawaabtaadu tahay, haa, oo baahiyahaa aad qabtay, ma heshay oo available makuu ahaayeen, maaragtay, waxyaalahaas, adjustmentiga ah?
Aisha: Haa, walaaloow, baahiyo badan waa jireen, waa u baahnaa liftiyo tashiilaad ah, tiyaatarka uu yahay building, high rise ah oo u baahan, ku dhahay gaari waa u baahnaamaxaan ku dhahaayeey, tashiilaad ii sahla inaan u kala socdo jaamacada, maadaama jaamacadu, xad aad u ballaaran ay leedahay oo maragtay tiyaataradu ay kala fog fog yihiin, oo qof laba birood ku socda, aanay u fududeeyn, inuu inta tiyaatarka tago, tiyaatar kaloo 10 minute, ama 5 minute loo soconayo, uu tago semesterka koobaad waa igu yara adkayd xaaladdu, laakiin markii danbe wax walba ay fududaadeen waxaan xiriir la sameeyey, disability services ama ardayda baahiyaha gaarka ah qaba, serfisyo loogu talagalay oo caawiya, runtina aad bay ii caawiyeen oo waxay i siiyeen gaari yar oo dadka, baahiyaha gaarka ah qabaa ay ku socdaan oo elektarik ah. Gaarigaas yarka ah, markaa wuxuu ii suuragaliyay inaan, calashaan aanan daahin oo tiyaataradii aan u baahnaa aan tago, markaan library u baahanahay inaan tago, markaan rabo inaan cuno qadoo kale soo gato, la-aantiisba waxay ila tahay inaan, maxaan ku dhahaayeey igu adkaan lahayd, caqabadaha kaloon la kulmay waxaa ka mid ah, mararka qaarkood in laga dhigi jiray tiyaatarka waxbarashada, meel jaajar loo fuulo kale, laakiin markaan la hadlo oo aan codsado oo aan la hadlo macallimiinta, waxay suurta galisay oo ii suurta gashay marar badan in la baddalo, oo laga dhigo theater accessible ah, oo aan gaariga la geli karo. Markaa sidaasay ahayd, wixii aan u baahnaayoo dhan, badankiis, tashiilaadkiisii waan helay, wayna ii fududaysay inaan waxbarashadeeda sii wato. 
Abdikadir: ma noo sheegi kartaa waxbarashada heerka aada ka gaartay?
Aisha: Haa walaal, heerka koowaad, ee digriiga loo yaqaano ayaan dhameeyay, waxaan qaatay bachelor-ka loo yaqaano arts ama social science. Kabacdina waxaan uga gudbay heerka labaad oo masters ah oo ilaa hadda aan dhigto oo waxaan isku sameeyaa laba masters oo midna uu law yahay ama abukaate uu yahay, midna uu social science yahay, ilaa hadana waa wadaa, oo calashaan waa ii socdaa. 
Abdikadir: shahaadooyinka waxbarasho, makuu suurta geliyeen fursado shaqooyin, haddii jawaabtu tahay haa, ma noo sheegi kartaa hay'adaha aad, kasoo shaqeysay iyo kuwa hadda aada ka shaqeyso, iyo doorkaaga shaqo?
Aisha: Haa walaal, simistarkii u danbeeyay markaan ku jiray, waxa ii suurta gashay inaan helo intership ama waxbarasho shaqo, xafiiskii intership-ka i siiyay baan markii danbe shaqo ka helay oo shaqo i siiyay oo ahaa, dhibaarmantiga loo yaqaano DBC ama Department of Cabinet. Waxaan u shaqeyn jiray as a Project Officer ama Policy Officer, waxaan la shaqayn jiray dhibaarmantigaas xafiis ka mid ah, mudo dhawr sano ah ayaan joogaay meeshaas, ka bacdii waxaan uga gudbay dhibaarmantiga of Human and Health Services, intaan labada dhibaarmanti la kala qaybin, sidaad ogtahay waaba lakala qaybiyee, gaar ahaan xafiiska Wasiirka caafimaadka. Waxaan ka mid ahaa shaqaalaha COVID response ama cudurka COVID ka shaqeeya, oo dadka response gareeya oo kala haga, iimaylada usoo dhaca wasiirka caafimaadka, ayaan kala qaybin jiray, oo aan u kala diri jiray, tiimamka kala duwan ka bacdina waxaan hada uga gudbay, Dhibaarmanti cusub oo la yidhaahdo Families Fairness and Human Services. Waxaanan ku noqday takhasuskaygii hore ama wixii hore, een markii horeba ku shaqeenayay, ee bolosiga ahaa, markaa hada halkaasaan ka shaqeeyaa. 
Abdikadir: waa mahadsan tahay. Waxaan soo gaarnay dhamaadka waqtigii wareyiga maanta waxaan, rabaa inaan u mahad celiyo caasho inay halkaan nala joogto oo ay nala wadaagtay sheeko ku saabsaneyd, ku saabsanayd safarkeedii guusha, wax badan oo laga qaadan karo ayaa ku jira wixii ay nala wadaagtay. Aniga ahaan waxaan ka qaatay farriinta ah in qofka hadduu dadaalo, oo uu waxbarto in noloshiisa uu si fiican u noolaanayo. Caasha adigay ka waran maxay tahay fariintaada aada u dirayso, dadka baahiyaha gaarka qaba iyo dhammaan bulshada guud?
Aisha: Saad adiguu sheegtay weeye markaa waxbarashadu, caawin badan bay leedahay, oo nolosha tashiilaad badan bay kuu samaynaysaa, kumana xirna, inaad baahiyo gaara qabto iyo inaanad qabin, waxqabadka caadiga ah calaashan able-ka ah ama caadiga ah, waxa ay sameeyaan oo dhan waan sameyn karnaa. Wadankana waxaa yaala fursado waxbarasho oo aad u fiican oo uu qofku meeshu rabo ku gaari karaa, wuxuu rabo ku qabsan karaa, marka waxaan dhihi lahaa, dadku inay inay wax bartaan oo weliba gaar ahaan luuqadda inay bartaan, oo wadanka ay ku nool yihiin ay fahmaan. Si noloshoodu u fududaato inay ku dadaalaan, waxaanan dhihi lahaa, sida soomalidu dhahaan qofkii dadaalaa wuu gaaraa, markaa in caqabadaha lala kulmaana waa wax nolosha bini'aadamka ka mida markaa, in qofku maaragtay uu dadaalo, uu goolka big picture waxa la yidhaa, ama goolkiisa uu fiiriyo. Hadii la dadaalan waa la gaari doonaa marka waxbarashadu, sidaan dhahno waayee soomaliga oo ah, aqoon la'aani waa iftiin la'aan. Markaa waxaan dhihi lahaa, qof walba waxaan ku boorin lahaa da'du ma xirayso. Wixii kale oo caqabada ah, oo ay ka mid tahay, baahiyo gaara inaad qabtana, kuma hor istaageyso. Markaa, waxaan dhihi lahaa qof waliba inuu dadaalo, oo uusan quusanin, marwalba uu isku dayo, inuu waxbarto. 
Abdikadir: haddii aada ka heshay duubisteena. Fadlan Fiiri websitekeena, speakmylanguage.com.au. Kaas oo aad ka heli karto wax badan. Fadlan u sheeg dadka kale barnaamijkaan. Sidoo kale nagala soco aaladaha xiriirka bulshada, sida Facebook, Twitter-ka, Instagram-ka iyo LinkedIn. Nagu caawi inaan gaarsiino sheekooyinka ku saabsan barnaamijkan Australia, iyo waliba adduunka oo dhan. Hay'adda ECCV Victoria waxay ku faraxsantahay inay idiinsoo gudbiso, barnaamijka ku hadal luuqadayda. Barnaamijka ku hadal luuqadayda waxaa maalgaliyay Waaxda Adeega Bulshada, waxaana la gaarsiiyey Australia oo dhan ayadoo ay iska kaashanayaan, dhammaan gobollada, ay ku nool yihiin bulshooyinka dhaqamada kala duwan. Warbaahinta qaranka ee nagala qayb qaadanaysa barnaamijkan waa SBS iyo, NEMBC. 

Interview by
Abdikadir Osoble

Abdikidir Osoble waxoow hada diyaariya shahaada masterka ah, waxoona ku diyaariyaa Horumarinta Caalamiga ah. Abdikidir waxoow aad ugu xiranyahay bulshada Soomaaliyeed gudaha iyo dibaddaba isagoo... Go to page where you can read more about Abdikadir Osoble