Choose the page language

Safiyo waxay la dhibaatoonaysay xanuuno maskaxeed sababo la xariiro xubin jirkeeda ka mid ah oo ay qaliin ku waysay. Si kastaba waa ay ka gudubtay welwelkii iyo welbahaarki hayay kadib markii ay bilawday qaadashada casharo diini ah iyo inay soo dhexgasho bulshada taasoo ka caawisay inay ku noolaato nolol farxad leh.

About the storyteller

Safiya waxay nala wadaagaysaa sida ay uga guulaysatay caqabadihii nolasha ee soo wajahay. Waxay soo dhexgashay bulshada, xaadirtay casharo diini ah, ka qeybqaadatay hawlo ay ka mid yihiin gym ka taasoo usuurto galisay inay ucaafimaado maskax ahaan iyo jir ahaanba oo ay hesho awood ay sifiican ugu noolaato.  

Transcript Available

Abdikadir: Kusoo dhawaada barnaamijka ku hadal luuqadeyda, kaasoo dadka ka kala yimid bulshooyinka dhaqamada kala duwan, ay uga hadlaan sidii loola noolaan lahaa baahiyaha gaarka ah si fiican, magacaygu waa Cabdi waxaan la shaqeeya hay-adda, E C C V Victoria. Wareysyada aan qaadno, waxaan wax ka baranaa dadka baahiyaha gaarka ah la nool, oo ka kala yimid dhaqamada bulshooyinka kala duwan. Sida ay u isticmaalaan, khibradooda shaqsiga ah iyo midda bulshada si ay, ula noolaadaan baahiyahaas meel kasta oo ay joogaan. Waxaan soo bandhignaa sheekooyinka xaqiiqda ah, farsamooyinka, fikradaha, ay nala wadaagaan dadka baahiyaha gaarka qabo, iyo bulshada kale. Kuwaasoo nooga sheekeynayo sidii lagu gaari lahaa, meelaha laga helo fursadaha shaqo, waxbarasho, isdhexgalka bulshada iyo wixii la mid ah. Maanta Waxaa marti inoo ah Safia, oo inooga sheekeyn doonta sheekadeeda ku saabsan. sida ay uga guuleysatay dhibaatooyin lasoo darsay. Soo dhawow Safiyo waad ku mahadsan tahay inaad halkan nala joogto. 
Safia: Haye, adaa mudan walaalo. 
Abdikadir: Wada sheekeysigeenii taleefanka waxaad ii sheegtay inay kula soo darseen, xanuuno kugu abuuray walwal iyo kalinimo manoo sheegi kartaa, xadahaasu sida ay u dhaceen?
Safia: Aniga horta anigoo yarbaa xanuunkan, ee lugtu uu i sababay, ka dib markii aan imaaday wadankan Australia, ayaa waxaan xawilay inaan ama aan yacni dhakhaatiirta la wadaagay, dhibaatadii isoo gaartay, oo xaga lugta iga soo gaartay. Kabacdi, dhakhaatiirtii waxay ii sheegeen in lugtayda, ay tahay, mid la jarayo oo aan waxba looga qaban karin, operation. Intaa markay ila wadaageen waxay isoo asiibay, xanuun ah, maskaxiyan iyo walwal iyo walbahaar. Kadib markii walbahaarkii isoo asiibay. Waxaan xawilay bal inaan wuxuun sameeyo, markaa waa roonaadoo, waa ka daawoobay. 
Abdikadir: Sidee ayaad uga bogsatay xanuunadaas kula soo darsay iyo walwalkaas?
Safia: Waxaan uga badbaaday oo uga daawoobay, waxaan bilaabay inaan, aan xagga bal Ilaahay u cararo, in markii qofka masiiba asiibto, Ilaahay baa quraankiisa ku sheegayoo yidhi ''Fafiruu Ila Laahi'' Ilaahay u carara. Markaa diintii baan u laabtay, waxaan qaatay. advice badan oo culimada iyo diinteenu ayna farayso, waxaana badiyay istaqfaartii iyo u dhawaanshihii Ilaahay, kadibna xanuunkii sidaas baan uga bogsaday. 
Abdikadir: marka laga yimaad casharada diiniga ah iyo inaad Ilaahay Subxanahu Watacaalaa, xiriir la yeelato oo aad istiqfaarta badiso. Ma jiraan waxyaalo kale oo ayagana kaa saaciday inaad maaragtay xanuunkan aad, ka guuleysato?
Safia: Haa wey jireen waxyaalo badan oo aan sameeyey, oo ugu horreysay, inaan bilaabay inaan jiim tago, oo aan sameeyo, yacni, si aan u yareeyo, walbahaarkii, iyo walwalkii aniga ii goonid ahaa oo aan la keliyaysnaa. Waxaan tagay jiim, waan dhexgalay dadkii bulshadii, goobihii jiimka ahaa oo aan tagay ayaan bulshadii la sheekaystay. Waxaan markaa dareemay inay walwelkii iyo walbahaarkii aan la kelisaday, yacni naftayda kaliya aan ku mashquulay inay iga soo yaraanayso, maxaa yeelay physical ahaana waan u daalay, dadna waan helay oo social life yacni warkii, iga guro oo, aan la sheekeysto aan kaga badbaado kelinimadii. 
Abdikadir: Sida aada sheegtay jimkii wax badan baad ka faa'iiday marka ma noo sii faah-faahin kartaa hal ama laba faa-iido oo aad, ka heshay markaad kumuyuunitigii dhex gashay, oo aad jiim bilowday?
Safia: Waxaan ka faa'iiday xagga ee jir ahaaneed waan ka faa'iiday caafimaad xagga maskaxiyana waan ka faa'iiday oo jidhkii wuxuu helay shaqo, maskaxdiina waxay heshay, waxayna hore uu aqoon oo aan ka shaqaysiiyay, jiimka markaad sameenayso waxaad hore usoo qabatay maaha, Personal trainer, baan qabsaday waliba xataa, qof i tarayn gareeya oo i bara, marka aad baan ugu caafimaaday, waana ka faa'iiday. 
Abdikadir: Waxaad noo sheegtay, waxyaalihii kaa saaciday inaad, walwalka iyo waxan ka guuleysato inaad cashar diini ah aad qaadatay marka imisa cashar oo diini ah ayaad qaadataa usbuucii?
Safia: Sadex maalmood oo kala duwan ayaan qaataa, uu ugu horeyso tafsiir, oo saddex nooca kitaabada waxaasi ayaan qaataa. 
Abdikadir: ma u malayneysaa in waxbarashada maadiga ah iyo midda diiniga ah, labadooduba inay qofka u suurto gelineyso in si fiican u noolaado?
Safia: haa, waxbarashada maadiga ahi waxay kaa caawinaysaa inaad hesho xirfad aad ku shaqayso, social life hesho, waxay kaa caawinaysaa inaad tahay qof, yacni, soo shaqeeyay oo maskaxiyan iyo jir ahaanba usoo daalay. 
Abdikadir: Waxbarashada diiniga ahna?
Safia: Waxbarashada diiniga ahna, way ku caawinaysaayoo, qof waxaad tahay Ilaahay ku xiran, oo macnaha Ilaahay close ku ah, oo u dhaw, macna wixii, inuu cudurkaan Ilaahay hayo iyo inuu waxaan cudurkan ku helay uu Ilaahay kaa qaadi karo. tusaale, markaan kuusoo qaado, markii aad qaadato lix kiniini, waxaa laga yaabaa inay jirkaaga xanuun u keenaan, laakiin lix mar markaad istaqfurilaah tiraahdo, ama aad tasbiix sameeyso, istiqfaaro. Waa daawo lacag la'aana oo dhameystiran oo aan wax cudurana kugu sameynayn. 
Abdikadir: Sheekadaada aad ayay u xiisa badan tahay, waa maxay taladaada dadka la nool ama qaba xanuunada walwalka iyo wixii la mid ah, si ay u caawiso inay ka gudbaan dhibaatooyinka heysta oo ay si fiican u noolaadaan?
Safia: Waxaan dhihi lahaa horta min awal, inay qofku, xanuunkan uu asiibay, inuu horta uu biliif gareeyo inuu Ilaahay Subxanahu Watacaalaa uu xanuunkan u keenay, iyo inuu u dhawaado, Ilaahay oo uu xiriir dhaw uu la yeesho. Maxaa yeelay qofka markuu Ilaahay xiriir dhaw la yeesho, xanuun kasta oo soo asiiba iyo dhibaato kasta oo soo asiibta, wuu ka gudbaya wuu ka badbaadaya xanuun kasta oo soo asiiba iyo dhibaato kasta oo soo asiibta, wuu ka gudbaya wuu ka badbaadaya. Ilaahayna qofka wuu u naxariisanayaa markuu adoonku Allahiisa baryo, baryada badiyo Ilaahay naxaariistiisu waa waasac. 
Abdikadir: Thank you. Waxaan soo gaarnay dhammaadka waqtigii wareysiga maanta. Waxaan rabaa inaan u mahad celiyo Safia inay halkaan, joogto oo ay nala wadaagtay, sheekadii ku saabsaneyd sida ay ugu suurto gashay inay happy life ku noolaato, wax badan oo laga qaadan karo ayaa ku jira wixii ay nala wadaagtay, Aniga ahaan Waxaan ka qaatay farriinta ah, qofka hadduu xanuunsado kaliya, daawo iyo dhakhtar kaliya inaanay saacideynin laakiin uu u baahan yahay inuu naftiisa Ilaahay ku xiro uu halkaa markaa uu badiyo Ilaahay baryadiisa, si uu markaas nolol raaxale uu u dareemo. Maxay tahay fariintaada, aad u direyso dadka baahiyaha gaarka caqaba iyo dhammaan bulshada Guud Safiya. ?
Safia: Waxaan leeyahay dadka baahiyaha gaarka qaba, guri ha isku xirina, niyadana ha iska dilina, ma joogno bulshadii inagu caynaysay baahiyaha gaarka ah. Waxaan joognaa even xataa kuwa Soomaaliya jooga, ha biliifgareeyaan qofku siduu naftiisa u dhiso inuu u noolaan karo. Haddaad baahi qabto oo isku qafishay inaad, waxna qabsan karayn waxna sameyn karaynin, haddaad baahi qabto oo isku qafishay inaad, waxna qabsan karayn waxna sameyn karaynin, cudurkii ku hayay laba jibaarbaa kusii galaya. laakiin markaad nafsadaada u sheegtay wax inaad ka gudbi kartid, oo aad dadka wax la qaybsan kartid, oo aad wax sameyn kartid waa wax wanaagsan, qof guurguuranaya oo waxaad arkaysaa, nmaxay aheetooy, shilimaad loo aruurinaayo oo la siinaayo, waxaad arkiisa qof gurguuranaya oo dukaan dhex fadhiya oo shaqeynaaya. Labadaas qof, yacni waxa u dhexeeya, wixii qofna naftiisii buu dhisay, oo wuxuu yiri waxaan allaylahe waxaan waad ka gudbi kartaa, qofna wuxuu isku qafilay inuu yahay curyaan aan, waxba qabsan karin oo dadkaas gacmihiisa ku nool. Soomaaliya tusaale ahaan markaad joogto dadbaa ku imanaya shilimaad bay ku siinayaan. Markaa waa inaad tiraa, maya anigu waan shaqaysan karaa. wax waan qabsan karaa, waan ka gudbi karaa waxan anigu adaan kula simanahay. Ani waxaan aaminsanahay xanuunka inuu yahay maskaxda, maskaxdan hadaad wanaag u sheegto wey qaadanaysaa, tan labaad qofka baahiyaa qaba waxaan leeyahay inuu badiyo waxbarasho oo kale. Waxbarashadu waxay ka caawinaysaa inay maskaxdii noolaato, Sidii beer camal la rusheeyay ayey u soo nooleynaysaa qofka maskaxdiisa. Waxaan leeyahay yaan baahida gaarka ah la isku koobine halla ogaado qofka inuuisagoo xataa farta ka hadli karo wax qabsan karo, ama computer uu ka tarjumi karo. 
Abdikadir: Waad mahadsan tahay. 
Safia: Adaa mudan walaal. 
Abdikadir: haddii aad ka heshay duubisteena, fadlan fiiri websitekeena speakmylanguage. com.au, kaas oo aad ka heli karto wax badan, Fadlan u sheeg dadka kale barnaamijkaan, sidoo kale nagala soco aaladaha xiriirka bulshada, Sida Facebook, Twitter-ka, Instagram-ka iyo LinkedIn. Nagu caawi inaan gaarsiino sheekooyinka ku saabsan barnaamijkan Australia iyo waliba . adduunka oo dhan. Hay'adda ECCV Victoria waxay ku faraxsan tahay inay idiinsoo gudbiso barnaamijka ku hadal luqadeyda. Barnaamijka ku hadal luuqadayda waxaa maalgaliyay Waaxda Adeega Bulshada. Waxaana la gaarsiiyey Australia oo dhan ayadoo ay iska kaashanayan dhammaan gobollada ay ku nool yihiin bulshooyinka dhaqamada kala duwan. Warbaahinta Qaranka ee nagala qayb qaadanayo barnaamijkaan waa, SBS iyo NEMBC. 

Interview by
Abdikadir Osoble

Abdikidir Osoble waxoow hada diyaariya shahaada masterka ah, waxoona ku diyaariyaa Horumarinta Caalamiga ah. Abdikidir waxoow aad ugu xiranyahay bulshada Soomaaliyeed gudaha iyo dibaddaba isagoo... Go to page where you can read more about Abdikadir Osoble